Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Warqaddii uu Axmed Madoobe u diray Farmaajo iyo 7-dii qodob ee ku qornaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa looga hadlay shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo mowqifka uu ka taaganyahay maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeedka oo lagu cadeeyay in ay ogyihiin Ra’iisul Wasaare Kheyre, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu socod siiyay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Axmed Madoobe uu uga cudur-daartay casuumaad uu sheegay in ay uga timid madaxweyne Farmaajo.

Waxaa lagu sheegay qoraalka Jubbaland in madaxweynaha Jubbaland uu Farmaajo uga mahad celinayo marti qaadkiisa ku aadan kasoo qeyb galka shirka ka socda Muqdisho, iyadoo war-saxaafadeedka lagu cadeeyay todoba qodob oo ay Jubbaland ku diidayso ka qeyb galka shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya.

Todobada qodob oo ay sheegtay Jubbaland in ay u cuskaneyso diidmada ka qeyb galkeeda shirka ayaa kala ah:

1 – Shuruucdii dalka u taalay oo si barer ah loogu tumanayo.

2 – Ka tala geli la’aan dhanka Ajandaha ah iyo doorkii maamul goboleedyada oo maqan, taas oo ay eheyd in laga wada shaqeeyo inta aan la gaarin waqtiga shirka.

3 – Wada shaqeyn la’aan wiiqday howlihii dalka iyo laamaha heerarka kala duwan ee dowladnimada dalka.

4 – Iyadoo shirkii Brussels qodobadii kasoo baxay aan wali la fulin, aysana sax aheyn shirar aan go’aamadooda la fulineyn.

5 – Hoggaanka sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku fashilmay isku wadida dadka iyo dalka, lumiyayna kalsoonidii saamileydii siyaasadda.

6 – Jiritaan la’aan golayaal lagu lafaguro arimaha masiiriga ah ee dalka.

7 – Iyadoo aanay jirin hey’adihii awooda u lahaa kala saaridda wixii xeerar ah ee la isku qabsado sida maxkamadda dastuuriga ah ee dalka.

“Sidaa darted mudane madaxweyne, maadaama ay jiraan sababaha kor ku xusan isla markaana aan marar badan ka dignay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii aan xal loo helin arimahaas, waxaa nasiib darro ah in maanta ay saameyn toodu muuqato”ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka caawa kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Jubaland-responses-on-SPF-invitation.-1.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this