Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka DF oo lagu dilay Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Salaaxudiin, iyadoona ay toogteen rag ku hubeysnaa Bistoolado oo goobta isaga baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan oo ka howlgali jiray Ceelwaaq lagu dilay suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey qeybo ka mid ah gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this