Deeq A. Posted October 1, 2019 Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Salaaxudiin, iyadoona ay toogteen rag ku hubeysnaa Bistoolado oo goobta isaga baxsaday. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan oo ka howlgali jiray Ceelwaaq lagu dilay suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha magaaladaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey qeybo ka mid ah gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites