Deeq A. Posted October 1, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku bahoobeen xisbiyo siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay hormuud ka yihiin xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in la sameeyey Midow Madal ah Isbaheysi siyaasadeed oo ka wada shaqeyn doonta sidii loo xoojin lahaa dimoqraadiyadda iyo xaqiijinta doorasho dalka ka dhacda 2020 – 2021. Xisbiyada Midoobay ayaa kala ah: 1) Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Shiikh ee UPD 2) Xisbiga uu hoggaamiyo Shiikh Shariif ee Himilo Qaran 3) Xisbiga Horusocod oo ay hoggaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiweli Cali Gaas 4) Iyo Xisbiga NDP oo ay hoggaamiso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo horay u soo noqotau Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda. Madashan waxaa ka dhex muuqday xildhibaannada kasoo jeeda labada gole ee kala taageersan madaxweynayaashii hore waxaana looga dhawaaqay in qaab dhismeedka Madashada uu noqon doono hoggaanka sare ee Madasha oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo Golaha xoghayeyaasha xisbiyada. Madasha ayaa waxaa Afhayeen looga dhigay Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa xildhibaan hore. Waxaa la sheegay inay socdaan wadahadallo Madasha lagu soo biirinayo xisbiyo badan oo qaarkood ka caga-jiideen, waxaana lagu wadaa in war-saxaafadeedyo kale ay soo baxaan. Shirka looga dhawaaqay madashaan ayaa wuxuu Muqdisho ka socday muddo 3 Maalin ah waxaana Maanta lagu soo gabagabeeyey guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites