Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada Siyaasadda oo Muqdisho kaga dhawaaqayo Isbaheysi cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Seddexdii Maalin ee ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho ka socday kulamo xasaasi ah oo ay yeelanayeen qaar ka tirsan madaxdii dalka soo maray iyo Xisbiga Siyaasadda ee Soomaaliya.

Madaxda kulamadaas u socday ayaa isku raacay in la dhiso isbaheysi Siyaasadeed ama Kudlad siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadeed.

Xisbiyada kudladaas ku midoobay ayaa kala ah Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waxaana la filayaa in bayaan wadajir ah ay soo saari doonaan.

Midowga Xisbiyadaan ayaa waxay u muuqdaan inuu yahay mid loogu diyaar garoobayo Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2020/21.

La soco wixii kasoo kordho kulankaas oo la filayo in saacado kadib lasoo gabagabeeyo.

d93e4b08-0017-4a25-94f7-bce8f16db095.jpg e0df032b-bff4-4fac-b686-1b24713bb72d.jpg 525f421c-bc93-4ecf-8678-7d7fc282ea2a.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this