Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Qorsheynayay Weeraro Ka Dhan Ah Qaxootiga Oo Maxkamad La Soo Taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berlin)-Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa waxaa ka soo muuqday rag lagu eedeeyay inay aas aasayeen Nazi-ga cusub si ay ugu adeegsadaan olole ka dhan ah qaxootiga iyo muwaadiniinta Ajnabiga.

1569872975d7439.jpg

Raggaan ayaa da’doodu u dhaxeysay 21 kow ilaa 32 sano jir ayaa ka soo muuqday maxkamada fedaraalka magaalada Dresden, ee caasimada u ah gobolka Saxony.

Dacwad soo oogaha ayaa ku eedeeyay in shaqsiyaadkan ay ka tirsan yihiin kooxda kacaanka Chemnitz, iyagoo ku howlanaa weeraro hubeysan oo dhiig ku daato.

Peter Frank oo ah dacwad soo oogaha guud ee Jarmalka ayaa ku eedeeyay in raggaan ay ka ag dhow yihiin xisbiyada midigta ee diidan soo galootiga.

Saraakiisha amniga ayaa aaminsan in eedeysanayaashan ay ku howlanaayeen weeraro hubeysan bishii october ee sannadkii hore intii lagu guda jiray maalinta midnimada Jarmalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this