Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kacaanka Iiraan Oo Digniin Adag U Diray Mareykanka Iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Taliyaha guud ee ciidanka kacaanka Iiraan Janaraal Maxamed Baqeeri ayaa sheegay inay awood u leeyihiin ka hortagida cadow kasta oo ku soo xadgudba Iiraan.

1569877108bede6-1.jpg

Janaraal Baqeeri ayaa hadalkaan ka jeediyay xaflad qaran oo goobjoog ay ka ahaayeen saraakiisha iyo ciidanka Kacaanka.

Marka hore ilaah ayaan ku mahdinayaa si aan u wajahno cadow kasta oo isku dayaya inay ku soo xadgudbaan dowlada Islaamiga ah ee Iiraan.

Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in dhammaan wadamada isbaheysanaya ay ka warqabaan in Iiraan si adag u diyaar garowday.

Bishii June ayay aheyd markii ciidanka kacaanka ay soo rideen diyaarada nooca Drone-ka oo ay lahaayeen millatariga Mareykanka.

Iiraan ayaa dhanka kale lagu eedeeyay in ay mas’uul ka aheyd weerarkii 14-kii bishan September lagu qaaday xarun laga soo saaro shidaalka oo ku taalla Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this