Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhri: Fadeexado Dul-hoganaya Wasiiradda Arrimaha Qoyska, Agaasime Waaxeed Ay Edo U Tahay Oo Ay Tahriibisay, Guri Ay Ka Dhisatay Turkiga Iyo Arrimo Kale Oo Xasaasi Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Fadeexado isbiirsaday ayaa dul hoganaya Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo shaqo galinta Somaliland Hinda Jaamac Gaandi kuwaasi oo dhako faar ku riday Shaqaale waynaha Wasaaraddaaasi oo la yaaban talaabooyinka noocan ah waxa ku kalifay wasiiradda.

indho.png

Hinda Jaamac Gaandi oo ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi ee CV-gooda aad loo dhaliilo ayaa Waxay sanadkan dhexdiisii safar aan qarsoodi ahayn ku tagtay Dalka Turkiga halkaasi oo ay muddo kooban ku maqnayd. Ujeedada safarkaasi ayaa lagu sheegay inay guri ka iibsatay Turkiga, arintaasi oo markiiba laga ogaaday dadka Reer Somaliland ee Dalka Turkiga ku sugan oo u dhabo galay safarka Wasiiradda, balse lama lasheegin lacagta gurigaasi ku kacay.

Sidoo kale waxay dhawaan Wafti Wasaaradda ka baxay oo kasoo laabtay Dalka Jarmalka ay raacisay Wiil ay edo u tahay oo ay dhawaan Wasaaradda keentay, kaasi oo ay u magacawday Xafiiska ama Agaasimaha Waaxda Shaqo abuurka Axmed Faarax Cawad. Wiilkan ayaa ka dhuuntay safarkii uu la socday waxaanay Hay’addii qaaday illaa hadda dabagal ugu jirtaa sidii ay u soo qaban lahayd. Wararka wasaaradda laga helayo ayaa sheegaya in Wasiiraddo wiilkan edo u tahay islamarkaana ay ugu talo gashay inay fakiso. Waa fadeexaddii ugu waynayd ee Wasaaradda soo martay intii ay jirtay, waxaanay arintani saamayn ku yeelanaysaa wada shaqayntii ay la lahayd Hay’addaha caalamiga ah.

Hinda oo laabta ku haysatay CV-geeda islamarkaana iska dhaadhicisay inaanay Wasaaradda ku raagayn ayaa tan iyo markii ay Wasaaradda Timid waxay ku mashquulsanayn dhaqaale urursi, waxay Wasaaradda ka dhex samaysatay laba xafiis oo ay lacag ku urursato, Xafiiska diwaangalinta shaqaalaha Ajaaniibta ah oo ay ka qaado 100- dollars iyo Xafiiska Diwangalinta Shaqaalaha Rayidka ah oo isna lacag intaasi ka yar ay ka qaado, lacagtaasi kuma dhacdo qasnadda dawladda balse waxa qaybsada iyadda iyo Dad ay mashruucaasi u xidhay. Shaqaalaha Wasaaradda ayaa sheegay inay Hinda Jaamac hal Hays u leedahay “Hawshaasi maxaa inoogu jira”.

Iyadoo ay haboonayd qofka wasaaraddaasi la keenayaa inuu luuqado badan ku hadlo ugu yaraan Ingiriisida iyo Carabida, marka loo eego Hay’addaha ku xidhan, ayaa hinda waxay arintaasi iskaga kabtaa wiil ay Edo u tahay oo turjumaan u ah, waxaanay arintani fajiciso ku ridaa Hay’addaha la shaqeeya sababta loo candadoolay Wasaaradda ee loo bahdilay.

Hinda Jaamac Gaandi sababta ugu wayn ee ay guriga uga iibsatay Turkiga ayaa waxa lagu sheegayaa inay ku kaliftay Cabsi ay ka qabto in xilka laga qaado, waxaana iska caadi ah in Masuulka Somaliland marka xilka laga qaado inaan lala xisaabtamin ee la iskaga hadho.

Lasoco Xogo Kale Oo Xasaasi Ah …

W/Q Haybe Cali Jaamac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this