Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Maanta Xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la ogoleyn isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Waxaa xiran dhammaan waddooyinka soo gala wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho iyo jidad kale oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha.

Waxaa la arkayaa dadweyne u badan arday iyo shaqaale oo cagta maalaya, kuwaasi oo kuu sheegaya inaanay kusoo talogelin xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama aanay jirin digniino hore.

Sababta loo xiray waddooyinka ayaa la sheegayaa iney tahay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this