Deeq A. Posted October 1, 2019 Waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa in M/ Muqdisho uu ka furmo shirka iskaashiga Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 dowladood. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda. Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoona saaka inta badan ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa la soo dhoobay waddooyinka waa weyn, kuwaas oo xoojinayo amniga Caasimadda. Waa markii ugu horreysay oo shirka iskaashiga Soomaaliya uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, iyadoo markii hore lagu qaban jiray dalalka Yurub. Dhinaca kale dowladda federaalka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa soo dhaweysay shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya. Halkan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites