Deeq A. Posted October 1, 2019 Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyey weerar dhanka cirka ah oo uu Isniintii ka fuliyey gobolka Shabeelaha Hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu shaaciyey in howlgalka ay qaadeen, kadib weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay saldhigga Balidoogle. Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ay uga jawaabayeen weerarka oo qaraxyo ku bilowday ay ku dileen 10 Al-Shabaab ah, kuna burburiyeen hal gaari. War-saxaafadeedka ayaa waxaa meesha looga saarey in waxyeelo rayid soo gaarey ay ka dhalisay duqeynta oo laba aheyd. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan oo illaa iyo hadda ka soo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa dhankeeda horay u shaacisay in weerarkii Balidoogle ay ku dishay illaa iyo 100-askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhiggaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites