Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xasaasi ah oo ka socda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kulamo looga hadlayo doorashada Galmudug ay ka socdaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa intooda diirada lagu saarayaa soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Shirarkan ayaa waxa ay u dhexeeyaan odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka iyo siyaasiyiin xil doon ah oo ku sugan gudaha magaaladaasi.

Dhowaan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo guddiga doorashada Galmudug, si loo guda galo doorashada baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this