Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka oo ka warbixisay shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixisay shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono arrimaha horumarinta dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo looga warbixiyay shirkaasi, ayaa lagu sheegay in uu socon doono mudda laba maalmood ah, inta u dhexaysa 1-da iyo 2-da bishan October, islamarkaana diiradda lagu saari doono; arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, siyaasadda iyo caddaaladda waddanka, iyadoo ay ka qeyb-galayan in ka badan 50 dowladood.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhowaysay in gudaha waddanka lagu qabto shirkan oo hore loogu qaban-jiray dalalka yurub, iyadoo ku tilmaantay guul wax ku ool ah oo u soo hoyatay siyaasadda dalka, gaar ahaanna siyaasadda arrimaha dibadda. dowladdu waxa kale oo ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qeyb libaax ka qaatan xasilinta iyo dib u-dhiska dalka.

Hoos ka eeg war-saxaafadeedka

1.png?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka oo ka warbixisay shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this