Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo qaaddacday shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba qaaddacday shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu casumay shirkaasi uu ka baaqsaday kadib markii laga diiday shuruud uu watay oo ahayd in madaxweynaha Jubaland isna lagu casumo shirka.

Xukuumadda Federaalka ayaa madaxweynaha Jubaland ka reebtay shirka Iskaashiga Soomaaliya maadaama aan weli la xallin khilaafkii ka dhashay doorashadii uu mar kale madaxweynaha ku noqday Axmed Madoobe taasi oo Villa Somalia sheegtay in aysan aqoonsan.

Shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli aysan wanaagsaneyn xiriirka dowladda Puntland iyo Villa Somalia oo isku maan-dhaafsan arrima ay ku jirto doorashadii ka dhacday Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo qaaddacday shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this