Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal lagu baadi goobayo Ciise Tarabuun oo bilowday qeybo ka mid ah Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Qeybo kamid ah Xaafadaha dalka Kenya ayaa waxaa ka bilowday howlgal culus oo lagu baadi goobayo Ciise Tarabuun oo ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab kaasoo laga sii daayey Xabsi ku yaal Magaalada Muqdisho iyadoo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inuu yahay muwaadin dhameystay Xukunkiisa.

Baaritaanada lagu raadinayo Ciise Tarabuun ayaa wuxuu si rasmi ah uga bilowday Magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladd Kenya.

Waxaa Baaritaan lagu raadinayo Ciise Tarabuun laga bilaabay Wadada isku xirta Gaarisa iyo Nairobi, waxaana mid mid loo baarayaa gawaarida halkaas isticmaaleyso.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in dalkeeda uu 24-kii bishan soo galay Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay horey u sheegtay inuu ahaa madaxii amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlayay arrinta Ciise Tarabuun ayaa lagu sheegay in ninkaas uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun maxkamadeed.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii oo Cabdiwaaxid loo xiray eedo la xiriira argagixisnimo ay dacwaddiisa qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah.

Caasimada Online
Xaafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this