Sign in to follow this  
Deeq A.

Howl-galka SIRTA ah ee uu Mareykanka ka wado Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaallamayaasha Al-Shabaab ayaa shalay aroortii weerar ku qaaday saldhig ay ciidammada Mareykanka ku tababaraan militariga sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ee Baledogle.

Xaqiiqda ah in Al-shabaab ay maareeysay in laba weerar ay la eegatay ajaaniib, maalin gudaheed, waxay muujineysaa awooddooda adkeysiga leh, 13 sano ka dib markii ay aasaasantay. Waxay muujineysaa sida ay u wada shaqeeyaan xoogaggeeda iyo isku xirnaanta adag ee shabakadda sirdoonkeeda.

Weerarka saldhigga tababarada ee Mareykanka ee garoonka Baledogle waxay ceeb ku noqon doontaa Ameerikaanka, oo xoojiyay weerarada drones-ka ee ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay Donald Trump.

Militariga Mareykanka waxay sidoo kale kaalin firfircoon ku leeyihiin ciidamada dhulka ee Soomaaliya, tababaridda ciidanka gaarka ah ee loo garanayo Danab, iyo ka qeybgalka howlgallada gaarka ah – markasta waa kuwo sir ah.

Al-Shabab waxay u muuqdaan kuwo ay isugu tageen dhinacyo badan, laga billaabo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika illaa Reer Galbeedka iyo ciidamo gaar ah oo ajaaniib ah, iyo ciidanka badan ee Soomaalida ah.

Kooxda waxay fulisaa wax dhaafsiisan weerro ay la eegato xarumaha kuwa ay cadowga u aragto. Waxay soo rogtaan ganaaxyo, waxay qaadaan canshuur, xitaa meelaha ay dowladda maamusho. Waxay sameysaa adeegyo garsoor oo dhaqangala – xitaa haddi ay yihiin kuwa arxan daro ah – kuwaas oo aad ugu badan meelaha aysan maamulin marka loo eego dadka ku hoos nool amarkooda.

Waa awood maamul oo muhiim u muuqata, taas oo ay u badan tahay in ay sii socoto illaa dowladda iyo xulafadeeda ay la imaanayaan qaab wax ku ool ah oo shaqeynaya kana duwan sida hadda.

War qoraal ah oo uu soo saaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto wuxuu ku bogaadiyay militariga Soomaaliya “sida ay u feejigan yihiin iyo jawaabta degdegga ah ee ay ka bixiyeen”.

“Weerarka wuxuu markale muujinayaan in Al-Shabaab ay ka soo horjeedo horumarka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Al-Shabab waxay qoraal ay soo saartay ku sheegtay “ka dib markii aan ka gudubnay dufeyska culus ee saldhigga, waxay mujaahediinta galeen dhismaha militari oo dagaal culus aan kula galnay”.

Kooxda ayaa sidoo kale weerar qarax ah la eegatay kolonyo ciidamo Taliyaani ah oo ku sugan Muqdisho. Wasaaradda Difaaca ee Taliyaaniga waxay sheegtay in qasaare uusan ka soo gaarin weerarka.

Waxaa qortay Mary Harper, Tafatiraha wararka ee BBC World Service

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this