Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo weerar uga jawaabay weerarkii Ballidoogle iyo Al-Shabaab oo sheegatay dhimashada 100 askari

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Taliska ciidamada Maraykanka Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM oo war kasoo saaray weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidogle ayaa  sheegay in wax khasaare ah uusan kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee ku sugnaa saldhigga.

Talisku waxa uu sheegay in ay gaysteen labo duqaymood, isla markaana ay ku dileen toban ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, sidoo kalana ay ku burburiyeen duqeyntaas mid ka mid ah gaadiidka Al-Shabaab.

Dhanka kale Al-Shabaab oo iyaguna war kasoo saaray weerarkii ay saakay ku qaadeen saldhigga Ballidoogle ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen askar badan.

Al-Shabaab ayaa warkooda ku sheegtay in weerarkaas oo ku bilawday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan 100 askari, in kastoo tiradaas ay sheegteen aysan u kala saarin Soomaali iyo Ameerikaan oo ku wada sugnaa saldhigga, hadana waxaa warka Al-Shabaab beeniyay saraakiisha dowladda iyo Taliska AFRICOM ee Mareykanka.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta Danab ee ku sugan saldhigii maanta la weeraray ee Ballidooge Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar oo la warbaahinta ayaa sheegay in ay laayeen dhamaan Shabaab-kii weerarka ku qaaday.

Waxa uu sheegay in lagu soo war galiyay weerarka kaga soo wajahan Al-Shabaab, isla markaana ay ubdiyaar garoobeen ciidamadu, wax khasaare ah uusan kasoo gaarin dhankooda.

Dhamaan dagaalyahanadii soo weeraray saldhigga ayuu sheegay in ay ku laayeen banaanka xerada, inkastoo uu san sheegin taliyuhu inta ay dhameed tiradooda.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this