Deeq A. Posted September 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa ka hadashay weerar qarax loo adeegsaday oo maanta lagu qaadey ciidamada u dhashay dalkaasi gudaha magaaladda Muqdisho. War qoraal ah oo wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay inuusan jirin wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, oo ciidamada Talyaaniga kasoo gaarey qaraxii maanta lagula eegtay nawaaxiga xarunta Jaalle Siyaad ee magaaladda Muqdisho. Ciidamadan kasoo jeeda Talyaaniga ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Yurub ee tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya. Qarax ayaa lagu beegsaday kolonyo ay wateen, waxaana burbur uu soo gaarey mid kamid ah baabuurtooda gaashaaman, sida ay sheegeen dad goobjoogiyaal ahaa. Wararka laga helayo illaha caafimaadka ayaa sheegaya in hal ruux oo rayid ah uu ku dhintay, dhowr kalene oo askar ay ku jiraan inay ku dhaawacmeen qaraxa. Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xilli maalinta berry ah lagu wada in Muqdisho uu ka furmo shir heer caalami ah, oo ay ka qeybgali doonaan madaxda qaranka, maamul goboleedyada iyo wafuud ka socota beesha caalamka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites