Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Beeniyay In Uu Bixiyay Amarkii Lagu Dilay Jamaal Khashoggi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa beeniyay in uu amray dilka sannadkii hore loo geystay wariye Jamaal Khashoggi.

1569830103b9e09.jpg

Mr Salmaan oo wareysi soconaya lixdan daqiiqo siiyay tv-ga CBS ee mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in uu qaadanayo mas’uuliyada dilkan maadama uu yahay hoggaamiyaha Sacuudiga.

Ma arkin kamana danbeyn dilkaan, balse waxaan diyaar u ahay in aa dhabarka u rito dilkaan lagu eedeeyay shaqsiyaad ka tirsan xukuumadda Boqortooyada.

Wuxuu intaa raaciyay in khalad weyn uu ahaa dilka Jamaal, balse ka dowlad ahaan ay maxkamedeyn doonan shaqsiyaadka ka dambeeyay fal danbiyeedkan.

Wariye Jamal Khashoggi ayaa lagu dilay 2-dii bishii October sannadkii hore safaaradda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, oo uu ka doontay warqada caddeyneysa in ay kala tageen xaaskii Hore.

Saxifigaan oo u shaqeynayay majalada Washington ayaa marar badan ku dhaliilay siyaasada mas’uuliyiinta Boqortooyada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this