Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Weerarkii Ay Maanta Kooxda Al-Shabaab Ku Qaaday Saldhigga Ay Ku Leeyihiin Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Mareykanka ayaa war rasmi ah kasoo saartay weerarkii ay Maanta Kooxda Al-Shabaab ku qaaday Saldhigga ay ku leeyihiin Soomaaliya.

US_GCB_web_feature_cover-1024x639.jpg

Mareykanka ayaa ugu horreyn cambaareeyey weerarkaas, wuxuuna Ciidammada Dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay uga hortageen dagaalka qorsheysan ee lagu soo qaaday saldhigga ay ku leeyihiin halkaas.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab awoodi waayeen inay soo dhaafaan afaafka hore ee Saldhigga iyadoo taas sabab looga dhigay in Ciidamada Dowladda ay ku jireen fajignaan sare.
Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Dowladda Mareykanka:
Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho. Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose. Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this