Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Puntland oo daboolka ka qaaday dhibaatooyin culus oo Puntland ragaadiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

“Dowladda Puntland wax xurmo ah uma hayso ganacsatadeeda canshuur bixiyaaasha ah wayna ku dulman yihiin,” Weedhaan ayaa qeyb ka ahayd dood maanta Garowe ku dhex martay ganacsatada waaweyn iyo wasaaradda maaliyadda Puntland.

Wakiilo ka socday shirkadaha ganacsiga ayaa looga yeeray wasaaradda maaliyadda Puntland, si loogu soo bandhigo inay qaataan lanbarka aqoonsiga. Inkastoo ganacsatadu soo dhoweeyeen qaadashada aqoonsigaan, hadana waxay goobta ka jeediyaan dhaliilo iyo cabashooyin ay qabeen oo ay dowladda katirsanayeen.

Cabashooyinkaas waxaa kamid ahaa, in dowladdu dad gaar ah u weeciso qandaraasyada loo siman yahay, 2: In dowladdu aysan difaaci karin amniga ganacsatada canshuur bixiyaasha ah. 3: inaanu jirin sharciyadii ganacsatada lagu kala saari lahaa, 4: iyo dhiirri galin la’aanta wax soo saarka gudaha.

Mid kamida ah ganacsatada ayaa madasha ka sheegay, shirkii ugu dambeeyay ee maalgashiga Puntland, in ay dowladdu sameysay wax lagu xumaado kadib markii dad shaqsiyaad ah la siiyay qandaraasyadii xagga qalabaynta goobta shirka.

” Ganacsatadeenu in aysan lahayn wax xurmo ah, waxaan idin sheegayaa maalin dhowayd shirkii maalgashiga, qalab ayaa loo sameynayay, waxaa lasiiyay niman Xamar ka yimid, waxaana heshiis lagula galay inaysan ka sameyn madbacadaha Garowe oo ay Xamar kasoo sameeyaan, Waa xaqiiq dhacday,” ayuu yidhi mid kamid ah ganacsatada.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shirre, oo shirka goob joog ka ahaa wax jawaab ah su’aalahaan kama uusan bixinin, hase yeeshee wuxuu sheegay inay dowladdu la dagaalamayso wax kasta oo dhaawacaya is aaminaada dowladda iyo shacabka.

Puntland Post

The post Ganacsatada Puntland oo daboolka ka qaaday dhibaatooyin culus oo Puntland ragaadiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this