Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar su’aal oo jawaab u baahan kuna saabsan kiiska Ciise Tarabuun

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kiiska Ciise Tarabuun oo la sheegay in laga sii daayey Xabsi ku yaalo Muqdisho kadib markii ay soo qabteen Ciidamada Dowladda.

Mahad Salaad ayaa 4 Su’aal ka keenay qaabkii loo sii daayey Ciise Tarabuun oo ay Dowladda sheegtay inuu ahaa madaxii Amniyaadka Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook:

KADAR OO DIBI DHAL!

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada (social media) haystay madaxii hore ee amniyaatka kooxda Al-Shabaab, Cabdiwaaxid Khaliif oo loo yaqaan Ciise Tarabuun oo dowlada Kenya sheegtay in uu dalkeeda soo galay.

Xalay fiidkii waxaa warsaxafadeed soo saaray Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ay ku sheegtay in Ciise Tarabuun maxkamadi ku xukuntay labo sano oo xabsi ah, uuna soo dhamaystay, lana sii daayay. Haddaba waxaa iswaydiin mudan?

1. Ciise Tarabuun markii la soo qabtay 19-kii June 2017 Wasiirka Amniga XFS wuxuu sheegay in amarkiisa lagu dilay boqolaal mas’uuliyiin dowladeed, saraakiil, askar, ganacsato iyo shacab isugu jira marka sidee labo sano kaliya loogu xukumay?

2. Goormee la go’aamiyay in sidaan loo fududeeyo xukun ciqaabeedka saraakiisha Al-Shabaab ee bixiya amarada dilalka Al-Shabaab fuliyaan, dhalinyaradii ay adeejinayeena ciqaab daran la marsiiyo?

3. Ciise Tarabuun waxaa la soo qabtay 19-kii June 2017, labo sano xabsi ah iyo labo bilood oo la socosho ahna waa soo dhamaystay sida aad sheegteen, July 2019 waa dhoofay. Marka hadii labada bilood ee dheeriga ah loo jaro maalmaha fasaxa iyo munaasabadaha ma 11 beri kaliya ayaa maxkamadayntiisu socotay?

4. Maxkamadaynta saraakiisha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee la soo qabto soo tii warbaahinta dowlada laga baahin jiray, maxaa qudbo siro ka dhigay mida Ciise Tarabuun. Hadii la xukumay, mudadiina uu dhamaystay maxaa loo shaacin waayay kahor intii aysan sheegin dowlada Kenya?

Been dal laguma maamuli karo ee dowladnimada yaan la micno tirin. Dalkana cadow loo hodin!

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this