Deeq A. Posted September 30, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo wararku ay sheegayaan in madaxa looga jiray. Askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dilkan si weyn uga carooday dadka deegaanka oo dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan falkaasi dilka ah. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cc.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites