Deeq A. Posted September 30, 2019 Safaaradda Mareykanka ee Somalia ayaa ka hadashay weerarkii maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle. Warka ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay inay cambaareyneyso weerarkaasi iyo qaraxii maanta ciidamada dowladda Talyaaniga lagula eegtay magaalada Muqdisho. Halkan Hoose ka aqriso: Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabeelaha hoose. Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka. Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan View the full article Share this post Link to post Share on other sites