Deeq A. Posted September 30, 2019 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka dhacay waddada warashadaha ,gaar ahaan agagaarka kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo Talyaani ah ka soo ambabaxay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga. Lama oga khasaaraha inta uu la egyahay, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Wixii soo kordha kala soco radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites