Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weeraray saldhigga Balidoogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo oo goor dhow lagu qaaday saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhiggaasi oo ay dagan yihiin ciidamo Mareykan ah.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in dagaal toos ah uu ka qarxay halkaasi, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa Mareykanka oo dhinac ah iyo raggii weerarka soo qaaday oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this