Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking news: Alshabaab oo weere culus ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanku ku leeyihiin garoonka diyaardaha Balidoogle ee gobolka Shabellada hoose.

Qaraxyo culus iyo rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha saldhiga ciidanka.

Warbaahinta wararka ay helayso ayaa sheegaya in ay dabley hubaysan ay gudaha u galeen saldhigga amnaankiisa aad loo ilaaliyo.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday labo gaari oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa weerarka lagu qaaday Ballidoogle oo 62km u jira magaalada Muqdisho.

Weli lama xaqiijin inta uu le,eg yahay khasaaraha iyadoo weli uu socdo howlgalka. Baraha internetka Alshabab ayaa lagu qoray in Alshabaab ka dagaalamayso gudaha garoonka.

Wixii soo kordha kala socda PuntlandnPost

The post Breaking news: Alshabaab oo weere culus ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this