Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Balidoogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo oo goor dhow lagu qaaday sadlhigga ciidamada Mareykanka ee ku yaalla garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaadiid laga soo buuxiyey qaraxyo ayaa la sheegay in lagu weeraray saldhiggaasi,kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Marekanka oo garab ka helaya kuwa dowladda ee ku sugan xeradaasi iyo raggii weerarka soo qaaday.

Dhawaqa rasaas culus ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka.

Lama oga khasaaraha inta uu la’egyahay, balse xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan.

Balidoogle ayaa waxaa ku sugan saraakiil Mareykan ah oo tababarayaal ah iyo ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo dowladda federaalka ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidanka huwanta ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.

Faah faahinta kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this