Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war deg deg ah kasoo saartay weerarka saldhigga Mareykanka ee Ballidoogle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii qaraxyada ku billowday ee maleeshiyada kooxdaas ay maanta ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Subaxnimadii hore ee saaka, ciidamo gaar ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa duullaan halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle ee ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka oo ku qoran luuqadda English-ka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Garoonkaan oo ku yaalla qiyaastii 100km duleedka Waqooyiga Galbeed ee Muqdisho ayaa wuxuu hooy u yahay boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka, saraakiil ka tirsan QM, qandaraasleyaal militari iyo diyaaradaha Mareykanka. Sidoo kale waa talis iyo xarun laga maamulo howl-gallada diyaaradaha drone-ka Mareykanka ee Soomaaliya.”

Al-Shabaab ayaa qoraalka ku sheegtay in kadib markii ay jabiyeen difaacyada hore ee saldhiggan ay ciidamadeeda dagaal xooggan la galeen militariga halkaas ku sugan, sida qoraalka lagu yiri.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weli uu halkaas ka socda dagaal xooggan islamarkaana ay faha-faahin dheeri ah ay soo saari doonaa saacadaha soo socda.

Halkan hoose ka Aqriso

BalidogleOp-1.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this