Deeq A. Posted September 30, 2019 Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa markale ergo ka mid ah kuwii wax soo doortay xildhibaanada baarlamaanka Somalia ku soo bandhigay deegaanka Bullo Fulaay oo ka tirsan gobolka Baay. Al-Shabaab ayaa tirada ergadan ku sheegtay 76 xubnood, iyadoona soo bandhigtay sawirradooda. Sidoo kale waxa ay sheegtay in Odayaashan ay ku jiraan kuwii soo doortay, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) guddoomiyihii hore ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Munaasabadda lagu soo bandhigay ergada ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab oo khudbado ka jeediyey halkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii 51 ergo ah lAl-Shabaab ay ku soo bandhigtay degmada Bu’aale ee xarunta maamulka Jubaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites