Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo laga sameeyey Boosaaso+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa  xalay howlgalllo ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Howlgallada oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qab qabteen dad u badan dhalinyaro.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi.

Xuseen Cali Maxamed  ayaa shaaciyey in howlgalladan  lagu soo qab qabtay  ku dhowaad 20 qof oo lala xiriirinayo falalka ammaan dari ee xilliyada habeenkii ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso.

Ammaanka Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoona cabasho ay ka soo yeeray shacabka magaaladaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-6 2-4 3-3 5-1

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this