Deeq A. Posted September 30, 2019 Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay howlgalllo ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Howlgallada oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qab qabteen dad u badan dhalinyaro. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi. Xuseen Cali Maxamed ayaa shaaciyey in howlgalladan lagu soo qab qabtay ku dhowaad 20 qof oo lala xiriirinayo falalka ammaan dari ee xilliyada habeenkii ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso. Ammaanka Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoona cabasho ay ka soo yeeray shacabka magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites