Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo ka digay Khatarta Iran ku hayso saliida adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Amiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka digay in qiimaha saliida uu sare u kici karo “tiro aan la qiyaasi karin” haddii aysan dunidu joojin ficilada Iiraan.

Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Saudi Arabia iyo Iran uu burburin doono dhaqaalaha adduunka, ka dib markii la weeraray xarun ay shidaal ku lahayd laba toddobaad ka hor, isagoo uu ku eedeeyay Tehran.

Iran ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay weeraradii lagu qaaday xarumaha saliida ee Sacuudiga.

Maxamed Bin Salmaan, dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, wuxuu yiri: “Haddii adduunku uusan ka qaadin tallaabo adag oo lagu xakameynayo Iiraan, waxaan arki doonnaa kacdoonno kale oo halis gelin doona danaha adduunka.”

“Sahayda saliidda waa la carqaladeyn doonaa oo qiimaha saliiddu wuxuu u kor u kicidoonaa a si aan la qiyaasi karin oo aad u sarreeya oo aan horay u arag nolosheenna.” ayuu yidhi Salmaan.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in 18 drones ah iyo toddobo gantaal oo kuwa qumaatiga u kaca ah lagu duqeeyey labada xarumood ee saliida ee ku yaal Abqaid iyo Aramco 14kii Sebtember.

Puntland Post

The post Sacuudiga oo ka digay Khatarta Iran ku hayso saliida adduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this