Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Laabtay u Wakiilashadiisii DFS Ee Doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga laabtay u wakiilashadiisii wasaaradda arrimaha gudaha ee ku aadaneyd doorashada Galmudug.

Wuxuu Xaaf qoraalkiisa ku sheegay in ay soo badatay cabashada ay qabaan beelaha dhistay Galmudug, sidaasi darteedna lama huraan ay noqotay in howlaha doorashooyinka iyo dhab u heshiisiinta lagu soo celiyo gacanta maamulka.

Wasiiradiisa ayuu faray in ugu dambeyn 10-10-2019 isku yimaadaan si loo dar-dargeliyo shaqooyinka horyaalla ee dowlad goboleedka Galmudug.

Horey waxaa u jiray heshiis ay wada gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka:

1-126.jpg

2-126.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this