Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid Ka Mid Ah Ilaaladii Ugu Caansanaa Ee Boqorka Sacuudiga Oo Toogasho Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Mid ka mid ah Ilaaladii ugu caansanaa ee Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan ayaa la dilay, kaddib mursan shaqsiyadeed soo kala dhex-galay isaga iyo askari kale oo saaxibkiis ahaa.

ilaala.-696x485.jpg

Major General Abdulaziz al-Fagham oo aad ugu dhowaa Boqorka Sacuudiga, marar badan ka soo muuqday isagoo dhinac taagan, safaro badan oo dibadda ahna u raacay ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay askari kale.

Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Dekedda leh ee Jeddah, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee Sacuudiga SPA ayaa sheegtay in al-Fagham la dilay isaga oo booqanaya guriga saaxiibkiis.

Ninka dilka geystay ayaa diiday inuu isu dhiibo booliska oo ku sugnaa agagaarka goobta wax ka dhaceen, waxaana kaddib isaga toogtay askari kale.

Maalmihii u dambeeyay Sacuudiga ayaa wajahayay xaalado iyo xiisado kala duwan oo ka soo wajahay dalka deriska la ah ee Yemen, kaddib markii Kooxda Xuutiyiinta ay weerareen xarumaha laga soo saaro shidaalka Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this