Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradda Boeing 737 oo cillad kale lagu arkay

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradda Boeing 737 oo cillad kale lagu arkay

 

 boeing.jpg

 

Diyaaradaha Boing 737-ng ayaa la sheegay in dildillaac lagu arkay qaybaha sare ee diyaaradda.

Marki uu warkaasi soo if baxay wixi ka dambeeyey wakaaladda ammaanka diyaaradaha u qabilsan dalka Mareykanka ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737-ng baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo.

Wakaaladda dalka Mareykanka u qaabilsan dabagalka duullimaadyada ayaa sheegtay “diyaarado in mudda ah shaqeynayey marki la damcay in dib u habeyn lagu sameeyo in lagu arkay dildillaac ku yimid jambiga kore ee diyaaradaha”.

Diyaarado dhawr ah oo baaritaanno kaa la mid ah lagu sameeyey waxaa iyaguna lagu arkay calaamadaha dillaaca oo la mid ah kuwilagu arkay diyaaradahi hore oo baaritaanka lagu sameeyey.

Balse waxay khubaradu sheegeen inaan diyaaradahan laga helin cilladdi sababta u noqotay iney laba diyaaradood oo uu noocoodu yahay Boing 737 iney burburaan.

Shirkadda Boeing waxay sheegtay shirkadaha diyaaradahan isticmaala iney xogaha diyaaradahaasi ku saabsan ay soo gaarsiiyeen balse ay sheegin wax cillad oo ay kala kulmeen inti ay diyaaradahaasi adeegsanayeen.

Balse Shirkadda Boeing ma aysan sheegin inta diyaaradood ee ay cilladdaasi ay ka baareyso.

“Maalmaha soo socda macamiishannada ee diyaaradahaasi istcmaala inaga oo kaashaneyno waxaan baaritaanno ku sameyn doonnaa diyaarado dhowr ah” ayey tiri shirkadda Boing oo BBc u warrantay.

BBC oo isku dayday iney xog dheeraad ah ka hesho qaybaha diyaaradda ee dillaaca sida gaarka ah loga arkay kuwa ay yihiin iyo waxa ka dhalan karo dillaacaasi, waxay su’aashaa u bandhigtay shirkadda Boing balse weli shirkaddu su’aasha BBC wax jawaab ah kama bixin.

Nooca diyaadaha 737-ng oo ay Boing sameyso waxay ka kooban yihiin diyaaradaha 737-700, 737-800 iyo 737-900, waxaana noocyada diyaaradahaasi isticmaala shirkada diyaaradeed oo kala duwan.

Laba diyaaradood uu noocoodu yahay Boing 737 Max marki ay laba shil oo isku dhaw ay ku burbureen kaddib waxaa gabi ahaanba hawada laga saaray diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737 Max.

Diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo burburtay bishi April waxaa ku dhintay dhammaan 157 qof ee rakaabka diyaaraddaasi burbrutay saarnaa.

Afar bilood ka hor xilliga ay diyaaraddan burburtayna waxaa sida oo kale burburtay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 Max oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Indonesia Line Air waxaa iyaduna ku dhimatay dhammaan 189-ki qof ee diyaaraddaasi saarneyd.

BBC somali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this