Deeq A. Posted September 30, 2019 Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS) Image captionWaxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii. Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada. Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan. Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada. Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad. Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir. Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay. Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano.Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:- -Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo. -Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC). -Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. BBC somali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites