Deeq A. Posted September 29, 2019 Nairobi (SMN) – Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2000 si sharci darro ah u sheeganaysay qeyb katirsan xuduud badeedka dalka Soomaaliya, oo laga helay khayraad aad u ballaaran oo shidaalka kamid yahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka [ICJ], iyadoo lagu wadaa in kiiskan ay dhageysato bisha soo socota horaanteeda. Kenya ayaa isticmaashay wado kasta oo kiiskan ku baajin karto, waxaana ay codsiyo u gudbisay Midowga Africa iyo hay’ado caalami ah, iyadoo doonaysa in meel kas baxan Maxkamadda lagu dhameeyo. Laakiin, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa arinkaas kasoo horjeysatay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo dhawaan ka sheegay Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobey inaysan wax wadahadal ah kala galeynin Kenya arinta ku saabsan dhul-badeedka Soomaaliya. Dowlado badan oo ugu horeyso Faransiiska ayaa la saftay Kenya, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron mar uu booqasho ku tagey Kenya bishii Maarso ee sanadkan sheegay inay shirkado shidaal oo laga leeyahay dalkiisa ay Kenya la galeen heshiisyo dhanka shidaal soo-saarista ah. Waxay Kenya u aragtay balan-qaadka Faransiiska mid ay ku gaari karto hamigeeda qaldan ee ah inay boobto xuduud badeedka Soomaaliya, waxaana ay ciidamado gaysay goobaha laga helay shidaalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites