Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Sucuudiga Oo Diiday Inay Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoonto Safiir Uu Farmaajo U Magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka diiday safiir uu u magacaabay inuu u fadhiyo Sucuudiga Mr. Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

1-78.jpg

Warbaahinta Muqdisho ayaa baahisay in diidmada Sucuudigu la xidhiidho tuhun ay ka qabto in safiirkani xidhiidh wada shaqayneed la leeyahay dalka Qatar oo ay xiisadi ka dhaxayso Sucuudiga.

Sharciga Geneva ee Diblomaasiyada ayaa dhigaya in saddex bilood gudahood safiirka aan laga guddoomin waraaqihiisa aqoonsigu ay ka dhigantahay in la diiday.

Farmaajo ayaa safiirkan wuxuu magacaabay 29 May, isagoo ahaa wasiirkul dawlihii diinta iyo awqaafta, waxaanay Soomaaliya waraaqihiisa aqoonsiga gudbisay 15 June, waxaanay saddexda bilood ee xeerka Geneva dhigayaa ay ku eekayd 15 September, waxaana muuqata in Sucuudigu hoos u dhigay safiirkan ay Soomaaliya magacowday.

Warbaahinta Muqdisho waxay diidmada Sucuudiga ku sababaysay xidhiidh uu safiirkani la leeyahay dalka Qatar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this