Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Rafcaanka Oo Xukun Kale Ku Ridday Weriye Coldoon oo Muddooyinka Danbe ku xidhnaa Jeelka Hargeisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Rafcaanka Oo Xukun Kale Ku Ridday Weriye Coldoon oo Muddooyinka Danbe ku xidhnaa Jeelka Hargeisa

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta 3 Sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

coldoon.jpg

Weriye Cabdimaalik ayaa hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay saddex sanadood oo Xadhig ah, laakiin waxa Rafcaan ka qaatay Looyarradiisa, laakiin Maxkamadda Rafcaanka ee ay Rafcaanka u qaateen ayaa iyaduna Maanta Maxkamadii hore ku raacday xukunkii ku ridday, waxayna Maxkamadda Rafcaankuna ku xukuntay Saddex sannadood oo Xadhig ah.

Weriyahan oo muddo dhowr bilood laga joogo laga soo xidhay Magaalada Burco ayaa eedaymaha loo haysto waxa ka mid ah in Qoraallo uu ku faafiyey Bartiisa Facebook-ga.

Qareennadiisa iyo ehelkiisa ayaa sheegay in xukunka dambe uu Weriyaha ku dhacay iyagoon la soo ogaysiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this