Deeq A. Posted September 29, 2019 Dowladda Kenya ayaa faafisay magaca & sawirka Sarkaal ay sheegtay inuu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo Warbaahinta Kenya ay sheegeen inuu galay gudaha dalkaasi. Booliska Kenya ayaa baahiyay sawirka sarkaalkaasi & magaciisa, waxaana ay ka codsadeen Bulshada inay u soo sheegaan qofkii meel ku arka Sarkaalkaasi oo ay Kenya aaminsan tahay in gudaha dalkeeda uu soo galay. Sarkaalka Kenya ay baahisay sawirkiisa ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Waaxid Ciise Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun) oo xilli dowladda Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigtay, waxa uu ninkaan ahaan jiray madaxii amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay hawlgal Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Muqdisho. Dowladda Kenya ayaa ka feejigan inay Al Shabaab dalkeeda ka fuliso weeraro qorsheysan iyo qaraxyo kerni kara in shacabkoodu waayaan kalsoonida amniga iyo Ciidamada dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites