Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay Heliwaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay marayeen qeybo ka mid ah Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi oo marayey nawaaxiga isgoyska Soos ee magaaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM, kaas oo uu burbur xoogan soo gaaray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ciidamadu ay fureen rasaas aan loo meel dayin, taas oo waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhowaa halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi, iyagoona muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Soos ee magaalada Muqdisho

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyadda weerarada lagu qaado ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, inkastoo aysan weli ka hadlin qaraxaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this