Deeq A. Posted September 29, 2019 Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan halkaasi. Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay inay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga waddada isku xirta magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee gobolkaasi, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen weerar iyo qaraxyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in deegaanka Gololey ee duleedka Balcad ay ku dileen ruux Miino ku aasayey halkaas, islamarkaana ciidanku ay ay toogteen. Wararka ayaa sidoo kale intaasi waxaa ku darayaan in Ninkas la dilay uu ku hubeysnaa Bistoolad. Waddada u dhexeysa Jowhar iyo Balcadayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miinooyin ah iyo weeraro toos ah,waxaana Mas’uuliyadoodda sheegatay Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites