Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda federalka Soomaaliya oo Garowe tababar ugu furtay laamaha garsoorka iyo Booliiska Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federalka Soomaaliya gaar ahaan xafiiskeeda xeer ilaalinta ayaa maanta magaalada Garowe tababar ugu furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, iyadoo la fahansiinayay hab cusub oo ay dowladda federalku u bixindoonto warqada dhaawac muujinta ee Rifeertada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.

Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dowladda federalka sannadka ugu horeeya ay dhammaan xarumaha booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badeli karin, la koobiyayn karin islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha.

Halkaan ka daawo. Muuqaalka

The post Dowladda federalka Soomaaliya oo Garowe tababar ugu furtay laamaha garsoorka iyo Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this