Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii Ceel Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Gudaha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan wadamada Geeska Africa ayaa soo bandhigtay Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii ay kooxdaan dhawaan ku qaaday Saldhig ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Ceel Saliini.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa faafisay Wareysi laga duubay Ninkaan weerarka is qarxinta ah ku daah furay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceelsaliini.

Wareysiga oo ahaa mid aad u dheer isla markaasna uu dagaalyahankaan kaga hadlayey xaaladihii uu soo maray intii uu Al-Shabaab ka tirsanaa iyo dardaaran uu sheegay inuu u reebayo dadka ka dambeeyo ayuu ku sheegay magaciisa inuu yahay Abshir Yuusuf Cali  oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay Salaaxudiin .

Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Shanta Caleemood, sidoo kalana wuxuu xusay inuu ku dhashay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Kooxda AL-Shabaab ayaa horey usoo bandhigtay Sawirada dagaalkii ay ku qaaday Ceel Saliini, waxaana sheegtay inay ku dishay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana sheegtay inay iska difaacday weerarkaas isla markaasna ay dishay tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this