Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo go’aan kama dambeys ah ka gaartay Kiiska Wariye Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka ee Somaliland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay dacwadda loo heysto, Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse (Coldoon) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ee xarunta mamulkaasi.

Maxkamadda racfaanka ayaa tan gobolka Maroodi-Jeex ku raacday xukunkii saddexda sano iyo lixda bilood ee ay horay ugu riday Coldoon.

Wararka ayaa sheegaya fadhiga maxkamadda uusan joogin wax Qareen ah oo difaacayey, Wariye Coldoon, taas oo ay walaac xoogan ka muujiyeen qoyskiisa.

Cabdimaalik oo xabsiga ku jira in ka badan 6 bilood ayaa loo heystaa eedeymo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland iyo Dusiga Abaarso oo ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.

Dhowaan Qareenkiisa ayaa is casilay, isaga oo sheegay in Soomaaliland uusan ka jirin sharci madax banaan.

Xarigga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse (Coldoon) ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey dad badan, kuwaas oo ku dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this