Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen Oo Ku Dhawaaqay Inay Nolosha Ku Qabteen Askari Iyo Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Millatariga Sacuudiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in weeraro ay ku qaadeen gobolka Najran ee dhaca koonfur-galbeed ee dalka Sacuudiga, noloshana ku hayaan kumanaan askari oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Sacuudiga.

1569694592d8db2.jpg

War saxaafadeed ka soo baxay kooxda Xuutiyiinta ayaa dhanka kale lagu sheegay in saddax korneyl oo ka tirsan millatariga Sacuudiga lagu dilay weerarka kaasi oo socday mudo Badan.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxye Saree ayaa ku dhawaaqay in Xuutiyiinta ay meel qarsoodi ah ku hayaan ciidanka ay soo qafaasheen iyo boqolaal gaadhi oo kuwa Dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa diyaaradaha aan cidna wadin ee loo yaqaan Drone-ka oo ay mudooyinkii la soo dhaafay xuutiyiinta u adeegsanayeen weerarada ay ku qaadayaan gudaha Sacuudiga.

Afhayeenka dagaalyahanada Yemen ayaa dhanka kale tilmaamay in Xuutiyiinta ay u fududahay in weeraro ay ka geestaan dalka Sacuudiga, inta Xukuumada Riyaad ay wado duulaanka ka dhanka ah shacabka Yemen.

Marka laga soo tago sheegashada xuutiyiinta ayaa ilaa iyo hada waxaa jirin jawaab ka soo baxday dowlada Sacuudiga.5

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this