Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran Oo Sii Deysay Markabkii Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Markab watay calanka dalka Britain, kaas oo bishii July ay qabsatay dawladda Iran ayaa Sabtidii shalay ku xidhay dekedda dalka Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta. Warkan waxa laga soo xigtay dhowr warfidiyeen iyo website ururiya wararka maraakiibta.

537AF048-8B30-48D8-AB61-074E3B950245_w10

Markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero, kaas oo lagu hayey deegaanka Bandar Cabbaas ee dalka Iran, in ka badan labo bilood, ayaa bilaabay inuu ka dhaqaaqo dalkaas Jimcihii dorraad, isago oo gaaray Dubai Sabtidii shalay.

Erik Hanell oo ah agaasimaha shirkadda leh markabkan ayaa warfidiyeenka u sheegay in shaqaalaha markabka la soo daayey ay nabdoon yihiin, niyadooduna ay wanaagsan tahay. Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha loo diyaariyey sidii ay qosaskoodii dib ugu noqon lahaayeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this