Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo ka warbixisay shirwayne ka dhacaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday sharci-weyne caalami ah oo ka dhacaya Muqdisho.

Kulankaasi oo ay kasoo qeybgeli doonan in ka badan 40-dowladood ayaa ka qabsoomaya magaala madaxda 1-da illaa iyo 2-da October.

Wasiiru’dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud ayaa xusay in dowladda ay go’aansatay martigelinta shirka.

Maalinta koowaad ayaa waxaa warbixino jeedin doona Wasaaradaha qaabilsan tubaha kala duwan ee horumarinta Qaranka.

Mr Xaamuud ayaa hoosta ka xariiqay in maalinta labaad ay khudbado ka jeedin doonan madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyadda.

Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka qeybgeli doona shirka, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiiru dowlaha oo warbaahinta ka hadlay.

Talaabadan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya martigeliso shir caalami ah oo ay ka qeybgalayaan wadamo kala duwan oo aad u badan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this