Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee laga bixiyay lacagta lagu iibiyey dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Washington?

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Dhaqaallaha ku baxday dhismaha Safaarada cusub ee Dowladda Soomaaliya ay ku yeelatay Magaalada Washinton.

Wasiirka waxaa uu sheegay lacag dhan Afar Milyan iyo Saddex boqol oo dollar in ay ku baxday dhismaha Safaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyey dhismaha laga bixiyey Miisaaniyadda xukuumadda Federaalka ah ee sanadkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu ku soo dartay.

Dhismaha Safaaradda oo ay iibsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horey u lahaa Colombia, waana dhismo ka kooban dhowr Dabaq oo ku yaalaa aagga ay ku xooggan yihiin Safaaradaha wadamada waaweyn ee Caalamka.

Lacagtaan ayuu sheegay in Sanadyadii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya ay aruurin ugu jirtay,islamarkaana lacagta ay bixisay Wasaarada Maaliyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xalay xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

Sida wararku sheegayaan, Qorshaha labaad ayaa noqonayaa in dhismeyaal loo iibiyo midkood howlgalada diblumaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo sidoo kale Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska New York
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this